FANKA & DHAQANKA
2 daqiiqo akhris
RW ku xigeenka Soomaaliya Saalax, oo la kulmay Soomaalida ku dhaqan Minnesota, Mareykanka
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku boorriyey ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee gobolka inay sii xoojiyaan isku-duubnidooda, wadashaqeyntooda, iyo kalsoonida lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya.
RW ku xigeenka Soomaaliya Saalax, oo la kulmay Soomaalida ku dhaqan Minnesota, Mareykanka
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac. / User Upload
13 saacadood ka hor

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan ballaaran la yeeshay culimada, ganacsatada iyo waxgaradka jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, kaas oo looga gol lahaa in la iska xog-wareysto horumarka dalka iyo qorshayaasha dawladda.

Intii uu kulanku socday, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa jaaliyadda uga warbixiyay horumarka ballaaran ee laga gaaray dhinacyada dawlad-dhiska, amniga, iyo dhaqaalaha.

Wuxuu si gaar ah u faahfaahiyay qorshaha dowladda ee ku aaddan xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka oo ay ku jirto qabashada doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah.

Doorka muhiimka ah ee qurbajoogta

Saalax ayaa uga mahadceliyay jaaliyadda soo dhoweynta diirran ee loo fidiyay isaga iyo weftigiisa. Wuxuu ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan horumarka dalka, abuurista fursadaha shaqo, iyo taageerada barnaamijyada horumarineed ee dowladdu waddo.

“Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan kuwa ku nool dalkan Maraykanku waxa ay door muhiim ah ku leeyihiin dib-u-dhiska iyo soo-kabashada dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenku, isagoo adkeeyay in doorka qurbajoogtu yahay mid lama huraan ah.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku boorriyey ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee gobolka inay sii xoojiyaan isku-duubnidooda, wadashaqeyntooda, iyo kalsoonida lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladdu ku doonayso inay si dhow ula shaqeyso qurbajoogta Soomaaliyeed, iyadoo u aqoonsan inay yihiin saaxiibbo muhiim u ah dib-u-dhiska iyo horumarka qaranka.

XIGASHO:TRT SOMALI