Soddon sano kadib markii ay ka carartay dalkeeda hooyo iyadoo ah gabar yar oo dagaal sokeeye ka soo barakacay, Ramla Saciid Axmed Cali waxay Axaddii la soo dhaafay ku soo laabatay Muqdisho iyadoo ah geesiyad qaran iyo horyaal caalami ah.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ka dhacday soo dhoweyn taariikhi ah oo loo sameeyay feeryahanaddii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ku guuleysata bilad dahab ah oo caalami ah, taas oo astaan u noqotay rajo, adkeysi iyo guul usoo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.
Dadweyne aad u faro badan oo lulayay calanka Soomaaliya, mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda oo ay ku jiran Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XJFS, Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud, iyo boqolaal taageerayaal ah ayaa isugu soo baxay garoonka.
Waxaa cirka isku shareertay mashxarad, heeso, iyo sawaxan muujinayay shucuurta qotada dheer ee shacabka, kuwaas oo u arka Ramla iftiin cusub oo u soo baxay qaranka.
Iyadoo ilmadu ay ka qubanayso, Ramla oo 33 jir ah ayaa la hadashay dadkeedii. "Waxaan Soomaaliya ka tagay anigoo gabar yar oo dagaal ka cararaysa, maantana waxaan ku soo laabtay anigoo ah horyaal u taagan dadkeyga," ayay tiri. "Guushaydu waa guul Soomaaliyeed. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan guushan la wadaago ummaddayda, waana u mahadcelinayaa jacaylka iyo soo dhoweynta qiimaha badan."
Soo dhoweynta waxaa qayb ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi. "Ramla si weyn ayay noo matashay," ayay tiri Wasiiraddu. "Waxay dhiigeeda u hurtay dalkan, dhiigeeduna waa mid qaali ah oo qiimo weyn noo leh... Waa ku dayasho mudan gabdhaha Soomaaliyeed, waxaana rajaynaynaa in qaar badan ay ku daydaan."
Sidoo kale, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, ayaa ballanqaad muhiim ah sameeyay. "Ramla, waxaad joogtaa gurigaagii. Waxaad caddeysay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo xooggan oo guul keeni kara," ayuu yiri. "Waxaad astaan u tahay haweenka Soomaaliyeed, waxaana magacaaga ku dhisi doonnaa xarun feerka loogu talagalay iyaga."
Dariiqii Ramla ee guusha ma ahayn mid sahlan. Markii ay ku kortay London, waxay feerka ka bilowday goob jimicsi, iyadoo markii hore ka qarin jirtay qoyskeeda. Waxay ka gudubtay caqabado dhaqameed iyo kuwa cunsuriyadeed si ay u noqoto horyaalkii ugu horreeyay ee xirfadda feerka ee Soomaali-Biritish ah.
Sanadkii 2018, waxay go'aansatay inay calanka Soomaaliya ku matasho fagaarayaasha caalamka, waxayna taariikhda gashay markii ay noqotay feeryahanaddii ugu horreysay ee Soomaaliya u tartanta Ciyaaraha Olombikada ee Tokyo 2020.
Guulaheeda waxaa ka mid ah koobab waaweyn oo ay ku qaadday Ingiriiska, horyaalnimada Afrika, iyo guushii taariikhiga ahayd ee ay ka gaartay tartankii ugu horreeyay ee feerka haweenka ee lagu qabto Sacuudi Carabiya.
Ka sokow feerka, Ramla waa safiirka caalamiga ah ee hay’adda UNICEF, waa qoraaga buugga dhiirigelinta leh ee Not Without a Fight, waana u doode firfircoon oo u ololeeya xuquuqda aadanaha.
Soo laabashadeedu maanta ma ahan oo kaliya dabaaldegga guulaheeda isboorti, balse waa xaqiijinta riyo qaran iyo farriin awood leh oo loo dirayo jiilka soo koraya: In xitaa duruufaha ugu adag, geesinimada iyo halganku ay horseedi karaan guul u soo hoyata qofka iyo qarankaba.