Maxkamad ku taalla dalka Saambiya ayaa laba nin ku xukuntay labo sano oo xabsi iyo shaqo adag ah, kadib markii lagu helay eedaymo la xiriira inay isku dayeen inay sixir u adeegsadaan dilka Madaxweyne Hakainde Hichilema.
Muwaadin u dhashay Musanbiig oo lagu magacaabo Jasten Mabulesse Candunde iyo hoggaamiye tuulo oo Saambiyaan ah oo lagu magacaabo Leonard Phiri ayaa la xiray bishii Diseembar iyagoo lagu qabtay walxo sixir ah, oo uu ku jiro Jirriq nool.
Booliska ayaa sheegay inay qorsheynayeen inay walxahan u adeegsadaan si ay waxyeello ugu geystaan Madaxweyne Hakainde Hichilema, waxaana lagu soo oogay dacwado ah sheegashada aqoonta sixirka iyo haysashada walxo sixir ah.
"Ujeeddada dambigu waxay ahayd in la dilo madaxa qaranka," ayuu yiri Garsoore Fine Mayambu oo Isniintii ka xukumayay caasimadda Lusaka.
'Cadow ku ah dhammaan reer Zambia'
Garsooraha ayaa intaas ku daray, "Dambiilayaashu ma ahayn oo kaliya cadowga madaxa qaranka, balse waxay cadow ku ahaayeen dhammaan dadka reer Saambiya. Sidaa darteed, waxaan ku xukumay 24 bilood oo xabsi iyo shaqo adag ah, laga bilaabo taariikhdii la xiray."
Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in labadan nin uu soo kireystay walaalka xildhibaan mucaarad ah, Emmanuel "Jay Jay" Banda, kaasoo isna wajahaya maxkamad ku saabsan dhac, isku day dil, iyo inuu ka baxsaday xabsiga.