Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay $500,000 (shan boqol oo kun oo dollar) ugu talagashay gurmad degdeg ah oo loo fidinayo shacabka gobolka Awdal, halkaasoo ay abaartu si daran u saameysay.
Go’aanka ayaa kasoo baxay Golaha Wasiirrada kadib markii Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) ay soo saartay warbixin muujisay halista bini’aadantinimo ee gobolka ka jirta, gaar ahaan degmooyinka Borama, Baki, Lughaye iyo Zeylac.
600,000 oo qof oo halis ku sugan
SoDMA ayaa sheegtay in in ka badan 600,000 qof ay ku sugan yihiin deegaannada abaartu ku dhufatay, halka ku dhawaad 264,000 qof si degdeg ah ugu baahanyihiin gargaar, sida raashin, biyo, nafaqeyn, iyo daryeel caafimaad.
Degmada Borama ayaa si gaar ah u wajahaysa xaalad aad u adag, iyadoo 98% dadka deegaanka la sheegay inay si toos ah u saameysay abaartu.
Maareeyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, oo si weyn u soo dhaweeyay tallaabada dowladda, ayaa sheegay in deeqdaasi qeyb ka tahay dadaallo loogu jiro badbaadinta nolosha dadka ugu nugul.
“Go’aanka Golaha Wasiirradu wuxuu muujinayaa in la tixgeliyay digniinaha SoDMA. Deeqdan waxay wax weyn ka tari doontaa gurmadka degdegga ah, balse waxaa loo baahan yahay in hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka ay si dhab ah uga qeyb qaataan,” ayuu yiri Guddoomiye Maxamuud.
Banaadir oo garab istaagtay Awdal
Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku dhawaaqay deeq gaaraysa $200,000 oo loogu talagalay wax-ka-qabashada abaarta Awdal.
Kulankii uu la yeeshay wasiirro iyo xildhibaanno kasoo jeeda gobolka Awdal, ayuu Muungaab sheegay in maamulka Banaadir iyo shacabka Muqdisho ay diyaar u yihiin garab-istaagga walaalahooda ku sugan Awdal.
“Tani waa xaalad u baahan isu-gurmasho. Maamulkeennu wuxuu si toos ah ugu wareejinayaa deeqda Hay’adda SoDMA si loo gaarsiiyo dadkii ay abaartu halakeysay,” ayuu yiri.
Abaar xooggan iyo biyo la’aan
Awdal ayaa wajahaysa abaartii ugu xumeyd ee sannadihii u dambeeyay. Roobabkii la filayay ayaa si xiriir ah u baaqday, heerkulka cimiladana wuxuu gaaray in ka badan 40°C.
Waxyaabaha kale ee abaarta sababay waxaa kamid ah biyo yaraan baahsan, biya yaraanta ceelal badan, sicir bararka cunnooyinka iyo xoolihii ay dadku ku tiirsanaayeen oo bakhtinaya.
SoDMA ayaa sidoo kale sheegtay in xaalado la mid ah ay ka jiraan Hiiraan iyo Gedo, kuwaasoo ay sababeen dagaallo sokeeye iyo roob la’aan.
Baaq: “Waqtigu waa mid adag”
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqday bulshada caalamka, hay’adaha UN-ka iyo deeq-bixiyeyaasha kale in ay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda abaarta Awdal iyo meelaha kale ee ay abaartu ragaadisay.
“Waan ku faraxsanahay taageerada dowladda iyo garab-istaagga Maamulka Banaadir, balse reer Awdal waxay u baahan yihiin gargaar ballaaran oo ka baxsan intaas,” ayuu mar kale yiri Maareeyaha SoDMA.