Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirkii 72-aad ee WHO ee gobolka Bariga Mediterranean-ka
Isagoo khudbad ka jeediyay kulanka, Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xusay caqabadaha sii kordhaya ee gobolka haysta, gaar ahaan saameynta ay leedahay yaraanta maalgelinta caafimaadka, taas oo hoos u dhigtay awoodda bixinta adeegyada lagama maarmaanka ah.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa ka qeyb galay shirkii 72-aad ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee gobolka Bariga Mediterraneanka, kaas oo lagu qabtay magaalada Qaahira.
Shirkan sannadlaha ah ayaa isu keenaya wasiirrada caafimaadka ee dalalka xubnaha ka ah WHO ee gobolka Bariga Mediterraneanka, si ay uga wada hadlaan caqabadaha caafimaad ee ugu waaweyn ee gobolka ka jira iyo fursadaha lagu hormarin karo caafimaadka waara.
Isagoo khudbad ka jeediyay kulanka, Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xusay caqabadaha sii kordhaya ee gobolka haysta, gaar ahaan saameynta ay leedahay yaraanta maalgelinta caafimaadka, taas oo hoos u dhigtay awoodda bixinta adeegyada lagama maarmaanka ah. Wuxuu ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah inay xoojiyaan wada-tashiga iyo iskaashiga si loo hubiyo adkeysiga iyo waaridda nidaamyada caafimaad ee gobolka.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa sii kordhisay dadaallada lagu wanaajinayo adeegyada caafimaadka, iyadoo la waafajinayo mudnaanta caafimaadka adduunka iyo Yoolasha Horumarka Waara (SDGs).