Wajiga Cusub ee Isgaarsiinta: Adeeggii Boostada Soomaaliya oo dib loo howlgeliyay
Ku dhawaad 36 sano oo hakad ka dib, adeegga Boostada ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib loogu howlgeliyay Isniintii.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Macallin, ayaa munaasabad ballaaran oo ka dhacday caasimadda Muqdisho, ku daahfuray dib u soo nooleynta adeeggan muhiimka ah.
Wasiirku waxa uu xusay in maanta (Isniintii) ay ahayd maalin weyn oo dib loogu soo celinayo adeeg muhiim u ah dadka Soomaaliyeed, ka dib markii uu hakad galay ku dhawaad 36 sano.
Wasiir Maxamed ayaa yiri, “Guusha dib-u-howlgelinta adeegga boostada dalka waxay ka tarjumaysaa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada dalka. Shaqaalaha boostada ayaa si heer sare ah u qaatay tababaro casri ah oo ay bixiyeen khubaro caalami ah oo dibadda laga keenay, halka qaar kalana ay dibadda u aadeen si ay u helaan xirfado dheeraad ah oo la jaanqaada isbeddelka teknolojiyadeed.”
Wasaaraddu waxay sharraxday marxaladihii adkaa ee la soo maray iyo sida ay waqti adag ugu bixisay in dib loo hawl geliyo adeeggan muhiimka ah ee boostada, iyadoo tilmaamtay in laga bilaabo bishii Maayo 2025, adeegga boostada dalka si rasmi ah u shaqaynayay, laguna bilaabay adeegyada dirista iyo helista boostada.
Intii uu ku sugnaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyay xafiiska boostada ee Wasaaradda Isgaarsiinta oo ku yaalla garoonka. Wuxuu halkaas kula kulmay shaqaalaha boostada, kuwaasoo si diiran u soo dhaweeyay, waxaana ay ka siiyeen sharraxaad ku saabsan habka ay shaqadu u socoto.
Sidoo kale, Wasiirka Isgaarsiinta ayaa booqday xafiiska Kastamka ee garoonka, waxa uuna kulan la qaatay Maareeyaha Kastamka, halkaas oo lagu kormeero badeecadaha soo galaya iyo kuwa baxaya.
Munaasabaddaas taariikhiga ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas'uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamuud Cabdulqaadir (JEEGO), Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde, Maxamed Siciid Cabdullaahi, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin Xasan, Agaasimaha Kastamka Garoonka Aadan Cadde, iyo hoggaanka amniga ee garoonka. Dhammaantood waxay si weyn u bogaadiyeen dadaallada Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda.
Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay in dalku yeesho adeeg boosto oo casri ah oo la jaanqaadi kara horumarka tiknoolajiyadda caalamka, taas oo xoojinaysa dowladnimada, isku xidhka bulshada, iyo kobcinta adeegyada shacabka.
Wasaaradda Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa xoogga saartay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu heli lahaa adeeg boosto oo hufan, degdeg ah, casri ah, isla markaana ammaan ku dhisan.