Maraykanka oo bogaadiyay dadaallada Maali ee ladagaallanka argagixisada

Toddobaadkii hore, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay amartay shaqaalaha aan muhiimka ahayn iyo qoysaskooda inay ka baxaan Maali sababo la xiriira khataro amni.

By
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maali, Abdoulaye Diop, iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau

Sida uu sheegay Christopher Landau, oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, diblomaasiyiin ka socda labada dal ayaa ka wada hadlay danaha amniga ee gobolka.

Talaadadii, Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau, ayaa sheegay inuu la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maali, Abdoulaye Diop, si ay uga wada hadlaan danaha amniga ee ay wadaagaan ee gobolka.

Landau ayaa bartiisa X ku soo qoray in Mareykanku uu bogaadinayo dagaalka ciidamada qalabka sida ee Maali ay kula jiraan kooxda argagixisada ah ee Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM).

Horraantii bishii Sebteembar, kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida (JNIM) ayaa ku dhawaaqday go'doon saaran shidaalka laga keeno dalkaas Galbeedka Afrika ee aan badda lahayn.

Kooxda ayaa tan iyo xilligaas weerartay kolonyooyin booyado shidaal ah oo isku dayayay inay dalka soo galaan ama gaaraan caasimadda, Bamako.

Toddobaadkii hore, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay amartay shaqaalaha aan muhiimka ahayn iyo qoysaskooda inay ka baxaan Maali sababo la xiriira khataro amni.

Go'doominta shidaalka ee argagixisada oo socotay muddo laba bilood ah ayaa gabi ahaanba curyaamisay caasimadda Maali.

Kooxdu waxay bilihii la soo dhaafay ka howlgaleysay meel 50 km (30 mayl) u jirta Bamako, balse hadda uma muuqato inay leedahay ujeeddo ama awood militari oo ay kula wareegto magaaladaas 4-ta milyan ah, oo ay si kooban u weerartay sannadkii hore.