Gurmadka oo weli raadinaya 70 qof kadib doon ku qallibantay DR Congo
Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in doontu sidday ku dhowaad 120 qof, halka ilaa iyo hadda la badbaadiyay ku dhowaad 50 qof kaliya.
Ku dhawaad 70 qof ayaa la la'yahay ka dib markii doon ku qallibantay webi ku yaal gobolka Kasai ee bartamaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida ay Arbacadii sheegtay warbaahinta deegaanka.
Doontan ayaa ku socotay caasimadda Kinshasa iyada oo ka ambabaxday dekedda Bena Dibele oo ka fog in ka badan 800 kiiloomitir (497 mayl) markii ay ku rogmatay webiga Sankuru sababo la xiriira dabaylo xooggan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Warbixinta oo tixraacaysa maamulaha deegaanka Francois Ahoka ayaa lagu yiri: "Doontu waxay sidday qiyaastii 120 qof. Ilaa iyo hadda ku dhowaad 50 qof ayaa la badbaadiyey, hawlgalladuna waa socdaan si loo helo kuwa la waayay."
Ahoka ayaa sheegay dhibaatooyinka ay la kulmayaan kooxaha samatabbixinta, wuxuuna qoysaska ku boorriyay inay la xiriiraan maamulka deegaanka si loo aqoonsado kuwa badbaaday iyo maydadka la helay.
Gaadiidka biyaha ayaa si weyn looga isticmaalaa Congo maadaama waddooyinka badankood ay yihiin kuwo aan la mari karin.