Erdogan oo cambaareeyay dilalka shacabka ee Al-Faashir ee Suudaan

Erdogan ayaa sheegay in la ilaaliyo midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Suudaan, ballan-qaadayna in la sii wadi doono gargaarka bini'aadantinimo iyo taageerada horumarineed.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si adag u dhaleeceeyay xasuuqa ka dhacay Al-Faashir ee dalka Suudaan.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si adag u dhaleeceeyay xasuuqa ka dhacay Al-Faashir ee dalka Suudaan, isagoo sheegay in la ilaaliyo midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida dalkaasi.

“Qof kasta oo qalbi ku leh laabtiisa ee aan dhagax ahayn ma aqbali karo xasuuqa lala beegsaday shacabka Al-Faashir ee Suudaan maalmihii la soo dhaafay. Kama aamusi karno arrintan,” ayuu yiri Erdogan khudbaddiisii furitaanka ee kalfadhiga 41-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga (COMCEC) ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo Isniintii ka dhacay Istanbul.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay in la ilaaliyo midnimada dhuleed, madax-bannaanida iyo gobonnimada Suudaan, ayna muhiim tahay in la garab istaago shacabka Suudaan, isagoo ku boorriyay beesha caalamka ee Muslimka ah inay qaataan mas'uuliyadda soo afjaridda dhiigga daadanaya.

"Waa muhiim inaad garab istaagno shacabka Suudaan maalmahan adag, annagoo sii wadayna gargaarkeena bini'aadantinimo iyo taageerada horumarineed," ayuu raaciyay Erdogan.

"Israa'iil waxay leedahay diiwaan aad u xun"

Isagoo soo hadal qaaday dagaalka Qaza, hoggaamiyaha Turkiga wuxuu tilmaamay in kooxda iska caabinta Falastiiniyiinta ee Xamaas ay u muuqato mid si dhab ah uga go'an inay u hoggaansanto heshiiska xabbad-joojinta, halka Israa'iil ay leedahay diiwaan aad u xun.

Israa'iil waxay dishay in ka badan 200 oo qof oo aan waxba galabsan tan iyo heshiiskii xabbad-joojinta Qaza, mana joojin gumeysigeeda iyo weerarrada ay ka waddo Daanta Galbeed, ayuu yiri.

"Ma oggolaan karno isku dayada lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed, lagu beddelo maqaamka Qudus, ama isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo xurmada Masjidka Al-Aqsa," ayuu yiri Erdogan.