Turkiga oo dib u furay Guriga Atatürk ee Thessaloniki, oo lagu maamuusay dhaxalkii aasaasihii dalka

Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa xusay doorkii Mustafa Kemal Atatürk ee ilaalinta jamhuuriyadda iyo mustaqbalkeeda, iyadoo matxafku soo bandhigayo dhaxalka Turkiga isla markaana xoojinayo saaxiibtinnimada Turkiga iyo Giriigga.

By
Wasaaradda ayaa samaysay qorshaha dib-u-dhiska matxafka sannadkii 2022-kii, iyadoo bilaawday 19-kii Diseembar 2024.

Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Turkiga, Mehmet Nuri Ersoy ayaa xarigga ka jaray Guriga Atatürk oo dib loo dayactiray, magaalada Thessaloniki, Giriigga, taasoo ah magaalo xeebeed ku taal Gacanka Thermaic ee Badda Aegean, isagoo sheegay in u maamuuska Atatürk ay la micno tahay ilaalinta jamhuuriyadda iyo mustaqbalkeeda isla markaana ay tahay aqbalidda mas'uuliyadda qaran.

Ersoy ayaa si xushmad iyo mahadnaq leh u xusay Mustafa Kemal Atatürk, aasaasihii Jamhuuriyadda Turkiga.

Wuxuu adkeeyey in Atatürk aanu ahayn oo kaliya nin siyaasi ah, balse uu sidoo kale ahaa hoggaamiye raad aan la tirtiri karin ku reebey qalbiga ummadda, dib u dayactirkanina uu ka tarjumayo xushmad iyo daacadnimo loo hayo xusuustiisa.

Isagoo muujinaya sida Turkiga ay uga go'an tahay dimuqraadiyadda, madaxbannaanida, xornimada iyo jamhuuriyadda uu hoggaanka u hayyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, Ersoy wuxuu sheegay in guriga dhalashada Atatürk uusan ahayn dhismo kaliya balse uu yahay meesha laga qaaday tallaabooyinkii ugu horreeyey ee dhismaha jamhuuriyadda.

Ilaalinta dhaxalka dhaqanka

Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay sameysay qorshe ballaaran oo dib loogu dayactirayo matxafka soona bandhigtay sannadkii 2022-kii, islamarkaana ay kormeertay howshiina bilowday 19-kii Diseembar 2024.

Guriga Atatürk, oo dib loogu soo celiyey xaaladdii madxafka ee 1953, hadda waxaa ka mid ah qolal la dayactiray, bandhig hiddaha iyo dhaqanka, maktabad, iyo dabaqyo soo bandhigaya taariikhda guriga iyo tan Atatürk, ayuu yiri.

Isagoo ku celinaya go'aanka Turkiga ee ilaalinta dhaxalka dhaqanka, Ersoy wuxuu sheegay in Guriga Atatürk ee Thessaloniki uu tusaale u yahay dadaalkan, waxa uuna ku celiyey fariinta Erdogan ee ah in gurigan uu astaan u noqdo nabadda u dhexeysa Turkiga iyo Giriigga.

Wasiirka Ku-xigeenka Dalxiiska ee Giriigga, Anna Karamanli, ayaa sheegtay in furitaanka Guriga Atatürk uu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal laguna dhiirrigelinayo derisnimo wanaagsan.