Xamaas nukliyeer ma laha ee Israa’iil ayaa leh, Erdogan oo ku baaqay cadaadis ka dhan ah Tel Aviv

Erdogan ayaa sheegay in Turkiga iyo Jarmalku ay iska kaashan karaan dadaallada lagu soo celinayo nabadda Qaza.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa cambaareeyay weerarradii dhiigga badan ku daatay ee Israa’iil ku qaaday Qaza.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo ku martigeliyay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz magaalada Ankara, ayaa carabka ku adkeeyay in Turkiga iyo Jarmalku ay door muhiim ah ka ciyaari karaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Israa’iil ee Qaza.

Isagoo la hadlayay Merz kadib kulankoodii Khamiista, Erdogan ayaa cambaareeyay weerarrada Israa’iil ee Qaza, wuxuuna ku booriyay Jarmalka inuu qaato mowqif adag. “Hamas ma haystaan bambooyin ama hub nukliyeer ah, balse Israa’iil way haysataa, shalay ayeyna u isticmaaleen inay ku garaacaan Qaza,” ayuu yiri Erdogan. “Jarmalka, miyaadan u jeedin arrinkan?” ayuu ku daray.

Erdogan wuxuu sheegay in Turkiga iyo Jarmalku, oo ah laba dal oo saameyn weyn ku leh gobolka iyo caalamka, ay si wadajir ah uga shaqeyn karaan sidii nabad loogu soo celin lahaa Qaza.

“Turkiga iyo Jarmalku waa laba dal oo muhiim ah oo iska kaashan kara sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Qaza,” ayuu xusay.

Erdogan ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaarka bani’aadamnimada, oo ay ku jiraan Laanqayrta Cas ee Jarmalka iyo Laanqayrta Cas ee Turkiga, inay tallaabo degdeg ah qaadaan si loo joojiyo xasuuqa iyo gaajada ka jirta Qaza.

“Laanqayrta Cas ee Jarmalka iyo Laanqayrta Cas ee Turkiga waa inay tallaabo qaadaan si loo joojiyo xasuuqa iyo gaajada ka jirta Qaza,” ayuu yiri.

Hadalka Erdogan ayaa yimid kadib markii Israa’iil ay dishay in ka badan 100 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 46 carruur ah, tan iyo fiidnimadii Talaadada, iyagoo jebiyay heshiis xabbad-joojin ah oo jiray tan iyo 10-kii Oktoobar.