Wasiir Fidan oo ku baaqay dib-u-habeynta QM, kana digay “Qalalaase sharciyadeed” oo caalami ah

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa ku baaqay wada-shaqayn caalami ah oo xooggan, isagoo sheegay in masiibada Qaza ay muujisay fashilka nidaamka caalamiga ah.

Hakan Fidan ayaa sheegay in dunidu ay go’aansato iskaashi ama tartan iyo colaad horseeda

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in “curyaaminta sii kordheysa” ee nidaamka caalamiga ah ay wiiqayso kalsoonida lagu qabo hay’adaha caalamiga ah, isla markaana ay dalalka ku riixaysa qaadashada go’aanno keli-keli ah, taasoo dhalinaysa "qalalaase sharciyadeed."

Isagoo Sabtidii ka hadlayay madasha TRT World Forum ee ka dhacday Istanbul, Fidan wuxuu sheegay in dunidu ay ka dhaqaaqayso nidaamka hal dhinac ah, isla markaana ay tahay in hadda la go'aamiyo in la dhiso nidaam ku salaysan iskaashi badan ama lagu noqdo tartamo burburinaya.

Wuxuu ku baaqay "nidaam caalami ah oo xooggan oo dib loo habeeyey" kaasoo ku salaysan iskaashi iyo ka mid noqosho, isagoo carabka ku adkeeyay in "caqabaddu aysan ahayn maqnaanshaha xeerarka, balse ay tahay sida aan sinnayn ee loo fuliyo."

Fidan wuxuu ku booriyay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo hay'adaha caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in hay'addu "ay si isa soo taraysa ugu dhibtoodayso inay fuliso ballanqaadyadii aasaaskeeda."

Türkiye, ayuu yiri, waxay taageertaa "Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dimuqraadiyad badan oo matalaad badan leh, kaasoo awood siinaya inta badan halkii uu mudnaanta siin lahaa tiro yar."

"Xabbad-joojinta Qaza weli waa mid jilicsan"

Isagoo ka hadlay xaaladda Bariga Dhexe, Fidan wuxuu sheegay in "hoos u dhaca sharciyadda iyo curyaaminta maamulka caalamiga ah" ay si aad ah uga muuqato xaaladda murugada leh ee Qaza.

Wuxuu sheegay in Turkigu, isagoo raacaya aragtida Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, uu hormuud ka noqday dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu joojinayo “xasuuqa” loona horumarinayo caddaaladda, waxaana ka mid ah dhisidda Guddiga Isku-duwidda ee wadajirka ah ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Jaamacadda Carabta ee ku saabsan Qaza.

Fidan wuxuu tusaale u soo qaatay shirarkii dhawaan ka dhacay New York iyo Sharm el-Sheikh oo uu ku tilmaamay "tallaabooyin muhiim ah" oo loo qaaday dhinaca nabadda, balse wuxuu ka digay in xabbad-joojintu weli tahay mid jilicsan sababo la xiriira weerarrada sii socda ee Israa’iil.

"Nabad cadaalad leh oo waarta," ayuu yiri, "waxaa kaliya lagu gaari karaa xaqiijinta xalka laba dowladood iyo hubinta in Qaza ay maamulaan Falastiiniyiintu."