Ciidamada Israa’iil oo wiil dhallinyaro Falastiini ah ku toogtay weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed
Ciidamada Israa’iil ayaa gudaha u galay magaalada Nablus, taas oo keentay iska horimaadyo ka dhacay xerada qaxootiga ee Askar, halkaas oo askartu rasaas ku fureen dadka deegaanka, sida ay warbaahinta maxalliga ahi sheegtay.
Wiil dhalinyaro ah oo Falastiini ah ayaa lagu dilay halka mid kalena lagu dhaawacay howlgal ciidan oo subaxnimadii Axaddii ay Israa'iil ka fulisay xeryaha qaxootiga Askar, bari Nablus, oo ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Falastiiniyiinta ee Wafa.
Ameed Hassan, agaasimaha ambalaasyada iyo adeegyada deg-degga ee Bisha Cas Falastiin ee Nablus, ayaa sheegay in labo dhalinyaro ah la dhaawacay intii ay socdeen hawgal ay ciidamada Israa'iil ka fuliyeen gudaha xeryaha.
Mid ka mid ah dhalinyarada ayaa laga toogtay laabta iyadoo rasaas nool la adeegsaday halkaas oo uu ugu dhintay dhaawacyadii soo gaaray, halka kan kalena laga toogtay dhabarka loona qaaday isbitaalka.
Ciidamo farabadan oo Israa'iiliyiin ah ayaa Nablus ka qabsaday dhowr jiho, taasoo dhalisay isku dhacyo gudaha xeryaha Askar, halkaas oo askartu ku furtay rasaas toos ah dadka rayidka ah.
Sidoo kale, ciidanka Israa'iil ayaa weeraray xaafadaha Ras al-Ain, Al-Basha, iyo Magaalada Qadiimka ah iyo hareeraheeda.
Weerarrada ay fuliyeen ciidamada Israa'iil iyo degganayaasha sharci-darrada ah ayaa kusoo badanayay Daanta Galbeed ee la haysto tan iyo dagaalka Qaza ee Oktoobar 2023, iyadoo tirakoob Falastiini ahi uu muujinayo in in ka badan 1,070 Falastiiniyiin la dilay halka 10,700 kalena la dhaawacay.
Go'aan muhiim ah oo Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ay soo saartay bishii Luulyo ee la soo dhaafay ayaa lagu caddeeyey in qabsashadii Israa'iil ee dhulka Falastiin ay tahay mid aan sharci ahayn, waxayna ku baaqday in dhammaan deganaanshaha sharci darrada ah ee Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus laga saaro.