Sawirro: Shacabka Falastiin iyo Israa’iil oo u riyaaqay heshiiska Qaza ee Xamaas iyo Israa'iil
Falastiiniyiinta ayaa ku dhex dabbaaldegay burburka Qaza, halka Israa’iiliyiintu ay buuxiyeen waddooyinka magaalooyinkooda si ay u muujiyaan farxaddooda ku aaddan heshiiska.
Kadib muddo laba sano ah oo burbur iyo xasuuq socday, Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in Xamaas iyo Israa'iil ay ogolaadeen wajiga koowaad ee qorshihiisa nabadda.
Warbixintan ayaa farxad gelisay Falastiiniyiinta ku nool marinka Qaza ee go'doonsan, kuwaas oo isugu soo baxay hareeraha deegaankooda burbursan si ay ugu dabaaldegaan heshiiska.
Sidoo kale, Israa'iiliyiinta, oo ay ku jiraan qoysaska maxaabiista la haysto, ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay ugu dabaaldegaan heshiiska oo ujeedadiisu tahay in la soo afjaro xasuuqa Israa'iil ee Qaza.
Halkan ka daawo qaar ka mid ah sawirrada: