Shirkadda Emirates oo dib u bilaabaysa duulimaadyada ay ku tagto Dimishiq, 12 sano kadib

Shirkadda diyaaradaha ee Emirates oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in ay dib u bilaabayso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, taasoo hakad gashay sanadkii 2012 xilligii kacdoonkii shacabka.

Shirkadda diyaaradaha ee Emirates oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Bayaan ay shirkaddu soo saartay Isniintii ayay ku sheegtay in duulimaadka ugu horreeya uu bilaaban doono 16-ka bisha Luulyo, iyadoo marki hore saddex jeer toddobaadkii loo duuli doono Dimishiq. Duulimaadyadaas ayaa la filayaa in ay noqdaan afar toddobaadkii bisha Agoosto, kahor inta aysan si buuxda u noqon kuwo maalinle ah bisha Oktoobar.

Go’aanka shirkadda ayaa yimid kadib qiimeyn amni oo ay si wadajir ah ula sameysay Hay’adda Duulista Rayidka ee Suuriya, sida lagu sheegay bayaanka.

Sheekh Axmed bin Saciid Al-Maktoum, guddoomiyaha Emirates, ayaa sheegay in shirkaddu ku faraxsan tahay dib u bilaabashada adeegga Dimishiq, isagoo tilmaamay in ay fursad u tahay kobcinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi, isla markaana Suuriya dib ugu xirto suuqyada caalamka.

Shirkadda Emirates ayaa hakisay duulimaadyadii Suuriya sanadkii 2012, kadib markii uu billowday kacdoonkii looga soo horjeeday xukunka Bashaar Al-Asad.

Bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafay, Bashaar Al-Asad oo dalka xukumayay ku dhawaad 25 sano ayaa u baxsaday Ruushka, taasoo dhamaad u noqotay xukunkii Xisbiga Baac ee dalkaasi ka jiray tan iyo sanadkii 1963.

Tan iyo markaas, tiro shirkado ah ayaa shaaciyay inay dib u bilaabeen duulimaadyadoodii Suuriya.