Turkiga oo munaasabad heer qaran ah u sameeyay askartii ku geeriyootay shilka diyaaradeed

Munaasabadda oo ka dhacday Saldhigga Taliska Cirka ee Murted, ayaa waxaa lagu xusayay 20-kii askari ee geeriyooday kaddib markii ay 11-kii Noofambar burburtay diyaaraddii ay la socdeen oo nooceedu ahaa C-130.

By
Munaasabadda sagootinta waxaa ka mid ahaa daqiiqad aamusnaan ah, akhrinta aayado Quraanka Kariimka ah, iyo duco.

Magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, waxaa maanta oo Jimce ah lagu qabtay munaasabad heer qaran ah oo si weyn loo soo agaasimay, taasoo lagu sagootinayay askartii Turkiga aheyd ee ku naf waayay shilkii diyaaradeed ee dhowaan ka dhacay xadka u dhexeeya Azerbaijan iyo Georgia.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa C-130, kuna xusan Ciidanka Cirka Turkiga, ayaa ku burburtay meel u dhow xadka Azerbaijan iyo Georgia 11-kii Noofambar, waxaana halkaas ku geeriyooday dhammaan 20-kii shaqaale ee saarnaa.

Munaasabadda sagootinta, oo ay ka muuqatay murugo, ayaa waxaa lagu bilaabay aamusnaan daqiiqad ah, kaddibna waxaa la akhriyay aayado ka mid ah Qur'aanka Kariimka, waxaana si wadajir ah duco loogu sameeyay askarta geeriyootay, Alle looga baryay inuu naxariistiisa siiyo.

Kaddib, sanduuqyada naxashka ah ee askarta, oo lagu duubay calanka Turkiga, ayaa si maamuus leh loogu qaaday diyaarado militari si loogu geeyo magaalooyinkii ay ka soo jeedeen, halkaas oo aas qaran loogu samayn doono.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay madaxda ugu sarreysa dalka, oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Numan Kurtulmus, Wasiirka Difaaca Qaranka Yasar Guler, Wasiirka Qoyska iyo Adeegga Bulshada Mahinur Ozdemir Goktas, xildhibaanno, taliyeyaal sare oo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga, Guddoomiyaha Ankara Vasip Sahin, Taliyaha Ciidanka Cirka Azerbaijan S/Guuto Namig Islamzade, Safiirka Azerbaijan u fadhiya Ankara Reshad Mammadov, iyo qoysaska askarta geeriyootay.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska askarta, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay khasaarahan naxdinta leh, wuxuuna Alle uga baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo qoysaskii iyo qarankii ay ka baxeen, isagoo u duceeyay marxuumiintii.