Baarlamaanka Jabuuti oo meesha ka saaray xaddidaaddii da'da ee murashaxa madaxweynaha

Tallaabadan ayaa waddada u furaysa in hoggaamiyaha dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle, uu u tartamo xilka madaxtinimo mar lixaad.

Tallaabadan waxay u oggolaanaysaa Madaxweyne Geelle inuu isu soo taago doorashada soo socota ee bisha Abriil 2026.

Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa Axaddii si aqlabiyad buuxda ah u ansixiyay in meesha laga saaro xaddidaaddii da'da ee musharraxiinta madaxweynaha, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Tallaabadan ayaa waddada u furaysa in hoggaamiyaha dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle, uu u tartamo xilka madaxtinimo mar lixaad.

Madaxweyne Geelle, oo 77 jir ah, ayaa xilka hayay tan iyo sannadkii 1999-kii. Jabuuti waa dal yar oo ku yaal Geeska Afrika, lehna deked weyn oo ay ku yaalliin saldhigyo militari oo ay leeyihiin dalalka Maraykanka, Faransiiska, Shiinaha, Jabaan iyo Talyaaniga.

Xildhibaannada Jabuuti ayaa si midaysan u ansixiyay wax-ka-beddelka dastuuriga ah si meesha looga saaro qodobka mamnuucayay in qof da'diisu ka weyn tahay 75 sano uu u tartamo xilka madaxweynaha.

Tallaabadan waxay u oggolaanaysaa Madaxweyne Geelle inuu isu soo taago doorashada soo socota ee bisha Abriil 2026, isagoo ay u muuqato inuusan la kulmi doonin mucaaradad xooggan, maadaama dalkaas ay xaddidan tahay xorriyadda hadalka iyo tan saxaafadda.

"Golaha Shacabka wuxuu maanta ansixiyay meesha ka saarista xaddidaadda da'da, sidaa darteed waa rasmi," ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka, Dileita Maxamed Dileita.

Baarlamaanka ayaa horey u meel mariyay mooshinka toddobaad ka hor codbixin hordhac ah, kaddibna Madaxweyne Geelle ayaa ansixiyay oo dib ugu soo celiyay xildhibaannada si ay codbixintii ugu dambaysay u sameeyaan.

Guddoomiye Dileita ayaa hore u sheegay in isbeddelka dastuuriga ah uu lagama maarmaan u yahay sidii loo xaqiijin lahaa "xasiloonida dalkan yar, oo ku yaal gobol qasan oo Geeska Afrika ah, ayna deris la yihiin Soomaaliya, Itoobiya, iyo Eritrea."

Madaxweyne Geelle wuxuu doorashadii u dambaysay ee 2021-kii ku guuleystay 97 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, waxaana isbahaysigiisa talada haya ee (UMP) uu haystaa aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka.

Wuxuu xilka kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon, oo ahaa aabaha madax-bannaanida Jabuuti, sannadkii 1999-kii, kaddib markii uu 22 sano soo ahaa madaxa shaqaalaha xafiiskiisa.

Dalka Jabuuti waxaa ku nool qiyaastii hal milyan oo qof oo keliya, balse wuxuu ku yaal marinka ganacsiga istiraatiijiga ah ee Baab el-Mandeb ee Badda Cas.