Sababta Boqortooyada Midowday ay Israaiiliyiinta uga mamnuucday Akadeemiyaddeeda Difaaca.
Wasaaradda Difaaca ayaa xaqiijisay in laga bilaabo sanadka soo socda, Israaiil laga saari doono kulliyaddan, oo tababartay saraakiil sarsare iyo mas’uuliyiin ka kala socda daafaha adduunka tan iyo sanadkii 1927.
Afhayeen u hadlay ciidanka Israaiil ayaa sheegay in go'aankani yahay mid "takoorid ah" isla markaana ay dowladdu go'aansatay inay ka joojiso gelitaanka akadeemiyaddaas.
Boqortooyada Midowday ee UK ma aqbali doonto mar dambe in Israaiiliyiintu ay ku biiraan mid ka mid ah akadeemiyadaheeda difaaca ee ugu magaca weyn, Kulliyadda Boqortooyada ee Daraasaadka Difaaca (Royal College of Defence Studies), iyadoo sabab uga dhigtay gumaadka ay Israaiil ka waddo Qaza, sida uu warinayo wargeyska The Telegraph.
Wasaaradda Difaaca ayaa xaqiijisay in laga bilaabo sanadka soo socda, Israa’iil laga saari doono kulliyaddan, oo tababartay saraakiil sarsare iyo mas’uuliyiin ka kala socda daafaha adduunka tan iyo sanadkii 1927.
Go'aankan ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee Israaiiliyiinta laga mamnuuco xaruntan, oo lagu aasaasay aragtidii Winston Churchill ee ahayd in la kobciyo isfahamka caalamiga ah ee u dhexeeya hoggaamiyeyaasha millitariga iyo kuwa rayidka ah, sida lagu sheegay warbixinta.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ayaa sheegay in ficillada Israaiil ee Qaza ay yihiin "kuwo qaldan," isla markaana ay dowladdu go'aansatay inay natiijadaas darteed ka joojiso gelitaanka kulliyaddan.
Tallaabadan ayaa dhalisay dhaleecayn kulul oo ka timid Israa’iil. Amir Baram, oo ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Difaaca Israaiil isla markaana ka soo qalin-jabiyay kulliyaddan, ayaa ku tilmaamay "fal sharaf-dhac weyn ah oo ka dhan ah daacadnimadii loo hayay xulafo dagaal ku jira."
Warqad uu u diray Wasaaradda Difaaca ee UK, Baram wuxuu go'aanka ku sifeeyay "fal takoorid ah" iyo "jabin ceeb ah oo lagu sameeyay dhaqankii sharafta lahaa ee Ingiriiska ee ku dhisnaa isku-dulqaadashada iyo hufnaanta."
Israa’iil waxay tan iyo Oktoobar 2023, xasuuqa ay ka waddo Qaza ku dishay ku dhowaad 65,000 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan haween iyo carruur.
Waxay sidoo kale burburisay inta badan dhulka go'doonsan, waxayna si dhab ah u barakicisay dhammaan dadkii ku noolaa.