Mahad Salaad: Sababta Soomaaliya ay ugu baahan tahay qorshaha hoggaamiyaha cusub ee sirdoonka

Mahad Maxamed Salaad, ninka lagu ammaanay inuu beddelay xaaladda amniga Muqdisho muddadii uu horay u ahaa taliyaha NISA, ayaa ku soo laabtay xilka iyadoo dalka uu wajahayo marxalad xasaasi ah.

Mahad Salaad

Dib-u-magacaabista Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa yeelan karta saameyn weyn iyadoo dalku ku guda jiro doorashooyin muhiim ah iyo dagaal ka dhan ah argagixisada.

Go’aanka Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ee dib u magacaabista Salaad ayaa yimid iyadoo Geeska Afrika uu diyaar garoobayo isbeddel taariikhi ah oo dalka looga saarayo nidaamka doorasho ee ku salaysnaa qabiilka, una gudbaya cod-bixin guud sannadka 2026.

Dib-u-magacaabistan oo si weyn looga soo dhaweeyay dhinacyada mucaaradka iyo muxaafadkaba ayaa loo arkaa inay tahay xeelad siyaasadeed oo muhiim ah oo uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Amnigu waa arrin dan guud ah — laga bilaabo dowladda iyo mucaaradka ilaa muwaadiniinta caadiga ah,” ayuu yiri Farxaan Cali Axmed, Wasiiru Dowlihii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya. “Tani waa arrin ay dad badan isku raacsan yihiin.”

Farxaan Axmed wuxuu ka mid ahaa Golaha Wasiirrada xilligii Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo ansixiyay magacaabista Mahad Salaad bishii May 2022.

Isagoo ahaa Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha xilligaas, Axmed wuxuu si dhow ula shaqeeyay Taliyaha Sirdoonka, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay nin daacad ah, karti leh, kana go’an shaqadiisa.

“Markii uu xilka la wareegay, dadku waxay dareemeen inay jirto ififaallo cusub. Xitaa aragtida amniga ayaa isbedeshay; wuxuu soo bandhigay waxyaabo badan oo cusub. Magacaabistiisu waxay tahay waxyar dheeraad ah oo lagu kordhiyay laamaha amniga,” ayuu TRT Afrika u sheegay Axmed. “Wuxuu ahaa mid aad u firfircoon, wuxuuna doonayay in qof kasta oo magaalada ku nool uu dareemo ammaan.”

Falanqeeye amni Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa rumeysan in dib u soo laabashada Mahad Salaad ee hoggaaminta NISA ay tahay wax wanaagsan oo amniga Soomaaliya kusoo siyaaday xilli muhiim u ah taariikhda dalkaan.

 “Waxaa lagu xusuustaa dib-u-habeyn ballaaran oo uu ku sameeyay NISA, oo ay ku jirto casriyeynta hawlgallada hay’adda iyada oo la abuuray hqy’ad leh qaab-dhismeed sharc.” ayuu yiri.

“Xildhibaannada baarlamaanka ayaa xilligii uu xilka hayay 2023 ansixiyay sharciga Sirdoonka iyo Amniga Qaranka kaas oo beddelay shuruuc hore oo duugoobay, qeexay waajibaadka NISA, kana dhigay hay’adda mid xilkasnimo leh si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed islamarkaana loo sugo amniga qaranka,” ayuu yiri. 

Isha Saddexaad ee Muqdisho

Argagixisadu waxay mar gacanta ku dhigtay caasimadda Soomaaliya iyadoo dilal qorshaysan iyo qaraxyo maalinle ah noqdeen wax iska caadi ah.

Dadka dhaq-dhaqaaqooda ayaa xaddidnaa, ganacsiguna wuu istaagay, iyadoo argagixisada al-Shabaab ay samaysteen nidaam canshuur ururin u gaar ah.

Markii uu Mahad Salaad ku soo kordhiyey kormeer casri ah oo ay kaamarooyin hagayaan waddooyinka caasimadda, wax walba si weyn ayay isu beddeleen.

"Wuxuu hay’adda ku dhiirrigeliyey in ay la jaanqaado tignoolajiyadda cusub sida isticmaalka kaamirooyinka CCTV ee meelaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho iyo xarumaha ganacsiga sida suuqa weyn ee Bakaaraha," ayuu Cabdisamad u sheegay TRT Afrika.

In kasta oo ay jireen caqabado dhanka rakibidda kaamirooyinka ah, Mahad Salaad wuxuu ku adkaa rabitaankiisa ah in la xoojiyo kormeerka elektaroonigga ah.

"Waxaan la dagaallameynaa argagixisada, waana in qof walba yeelato," ayuu oran jiray isagoo hadalkaas u adeegsaday inuu ku qanciyo ganacsatada in CCTV ay ku rakibaan dukaamadooda.

Mahad Salad waxaa sidoo kale lagu ammaanaa kordhinta tirada saraakiisha NISA ee jooga goobo badan oo magaalada ah, isagoo hormar ballaaran ku sameeyey sirdoonka qarsoon ee Muqdisho.

"Wuxuu shaqaaleysiiyey dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed si ay xuuraa u sameeyaan," ayuu xusuustaa Wasiiru Dowlihii hore ee Amniga Gudaha Axmed.

Hannaan adag

Waxyaabaha beddelay dagaalka ka dhanka ah argagixisadawuxuu ahaa awoodda Mahad Salaad uu bulshada kula jaanqaaday xilli uu hawshiisa si qoto dheer u watay.

Sida uu Axmed u dhigayo, kalsoonida shacabka ayaa ah tiirka ugu weyn ee dagaalka dowladda iyo argagixisada.

"Haddii laamaha amniga ay musuqmaasuq iyo karti-darro ka jirto, dadku waxay u arki doonaan in dowladdu ku guul-darreysatay inay ilaaliso. Haddii ay kalsoonida lunto, waad guul-darreysanaysaa," ayuu yiri.

Go’aankii madaxweynuhu toddobaadkii hore dib ugu magacaabay Mahad Salaad ayaa sidaas darteed loo arkaa mid istiraatiiji ah si loo soo celiyo kalsoonida dadweynaha ee la xiriirta sida dowladda u maaraynayso amniga, loona xoojiyo ka qaybgalka shacabka ee sugidda amniga Soomaaliya iyo u gudbidda doorasho qaran oo hal qof iyo hal cod ah sannadka dambe.

"Salaad wuxuu leeyahay aqoon iyo waayo-aragnimo dhinaca sirdoonka iyo hawlgallada amniga qaranka. Wuxuu hore u soo qabtay jagooyin kala duwan sida Wasiir, Xildhibaan iyo Agaasimaha NISA," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soobaxay Golaha Wasiirrada oo ku dhawaaqay magacaabistiisa.

"Haddii aad rabto inaad baabuur meel dhigato waddada, waxaa jooga dhallinyaro, dumar, ganacsato ama dad caadi ah oowaddada maraya kuwaas oo ku joojinaya haddii ay wax laga shakiyaa dareemaan. Isla sidaas ayaa jirta haddii aad rabto inaad guri ka kireysato Muqdisho.

Dadka deggan guriga, milkiilaha ama deriska ayaa ku soo sheegi doona haddii ay wax kaa shakiyaan," ayuu yiri Axmed.

Caqabadaha horyaalla

Mahad Salaad oo xilka dib ula wareegay 12-kii Juun, wuxuu xambaarsan yahay rajada qaran dhan oo ka soo kabanaya dagaal sokeeye oo dheer iyo khatar argagixiso oo joogto ah.

"Wuxuu qabaa inuu dagaalka al-Shabaab yahay shaqadiisa ugu weyn," ayuu Axmed u sheegay TRT Afrika. "Rajada dadweynaha ee ku aaddan magacaabistiisa way sarreeyso."

Marka la eego waxqabadkiisii hore, siyaasiinta iyo dadweynuhuba waxay ka filayaan in taliyaha NISA si adag oo hufan u maareeyo arrimaha amniga dalka.

Falanqeeyayaasha amniga waxay sheegeen in NISA ay u baahan doonto xeelado cusub iyo istaraatijiyado si ay ula tacaasho kooxda argagixisada al-Shabaab. Hay’adduna waxaa laga filayaa in ay si dhow ula shaqeyso laamaha kale ee dowladda.

Arrin kale oo muhiim ah waa in la helo isku-duwidda hay’adaha dibadda, gaar ahaan ATMIS (Hawlgalka Kumeel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya).

Midowga Afrika wuxuu ciidamo ka kala keenay Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi si ay u caawiyaan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya ka dib sanado badan oo dagaalloah.

Dalka deriska la ah Soomaaliya, gaar ahaan Kenya, wuxuu la kulmay weerarro isdaba joog ah oo ay geysteen al-Shabaab, taasoo dhaawacday xiriirka, ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadkagobolka.

Doorashooyinka

Iyadoo dalkan Geeska Afrika dhaca uu ku sii siqayo doorasho, hawlgallada diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa u socday si xasilloon, iyadoo aan la diiwaangelin wax dhibaato amni ah illaahadda.

"Waxaan dhihi karaa waa miraha shaqadiisii hore marka uu xilka hayey," ayuu yiri Axmed. "Wuxuu xiray dhammaan albaabadii iyo daaqadihii ay argagixisadu ka soo geli jireen si ay dadweynaha u waxyeelleeyaan…Waa sababta dowladda dib ugu magacawday. Waxay u baahan yihiin u khidmaynta dadkiisa si qof walba u dareemo amni."

Sugidda dalka inta lagu jiro xilligan doorashooyinka xasaasiga ah iyo ka takhalusidda kooxaha xagjirka ah waa caqabadaha ugu waaweyn ee Mahad salaad wajihi doono isagoo ah taliyaha sirdoonka Soomaaliya.