Suuqa Yurub ee Gawaarida Korontada ku Shaqaysa oo Kordhaya Halka Iibka Tesla uu Hoos u Dhacay

Iibka gawaarida korontada ku shaqeysa ee Yurub ayaa kordhay 34% bishii Abriil, halka iibka Tesla uu hoos u dhacday 52.6% marka loo eego isla bishii Abriil ee sannadkii hore

Tesla Model Y ayaa ka dambeysay tartamayaasha cusub ee kaalmaha sare kaga jira liiska baabuurta korontada ku shaqeeya.

Shirkadda Maraykanka ah ee Tesla ee soo saarta baabuurta korontada ku shaqeysa, ayaa iibkeedu hoos u dhacay 52.6% bishii Abriil marka loo eego isla bishaas sanadkii hore, sida lagu sheegay xog cusub oo la daabacay Talaadadii oo uu soo saaray Ururka Warshadaha Baabuurta Yurub (ACEA).

Sida lagu xusay warbixintan, Tesla oo uu leeyahay maalqabeenka Elon Musk ayaa bishii Abriil 2025 ka iibisay Midowga Yurub 5,475 baabuur, marka la barbar dhigo 11,540 oo ay iibisay isla bishaas sanadkii 2024.

Guud ahaan Yurub, oo ay ku jiraan Midowga Yurub, Ururka Ganacsiga Xorta ah ee Yurub, iyo Boqortooyada Ingiriiska, iibka Tesla ayaa sidoo kale hoos u dhacay 49%, isagoo gaaray 7,261 baabuur bishii Abriil 2025, marka loo eego isla bishaas sanadkii hore.

Dhanka kale, iibka baabuurta korontada ku shaqeeya ayaa sare u kacay 34.1%, isagoo gaaray 145,341 baabuur gudaha Midowga Yurub.

Tesla, oo mar ahayd hormuudka iibka baabuurta korontada ku shaqeeya, ayaa bishii Abriil waxaa ka sare-maray 10 shirkadood oo kale, oo ay ku jiraan Volkswagen, BMW, Renault, iyo shirkadda Shiinaha ee BYD, sida ay sheegtay shirkadda talo-bixinta JATO Dynamics.

Hoos u dhaca iibka Tesla ee Yurub ayaa lagu sababeeyey mowqifka siyaasadeed ee muranka dhaliyay ee Elon Musk iyo faragelinta siyaasadda Yurub ee uu sameeyay.

Isbeddelka iibka baabuurta korontada iyo shiidaalka ee Yurub

Baabuurka cusub ee Skoda Elroq ayaa hogaamiyay iibka baabuurta korontada ku shaqeeya, halka Tesla Model Y, oo hore u ahaa kan ugu iibka badan, uu galay kaalinta sagaalaad.

Iibka guud ee baabuurta korontada ayaa sare u kacay 26.4% marka loo eego sanadkii hore, isagoo gaaray 15.3% saamiga suuqa bishii Abriil, sida ay sheegtay ACEA.

Kororka iibka baabuurta korontada ayaa si aan sinnayn uga dhacday Yurub, iyadoo dowladaha iyo soo saarayaasha kala duwan ay bixiyeen dhiirrigelinno kala duwan si loo iibsado baabuurta korontada.

Jarmalka, Beljimka, Talyaaniga, iyo Isbaanishka ayaa lagu arkay koror weyn, halka iibka baabuurta korontada ee Faransiiska uu hoos u dhacay.

Iibka baabuurta isku-dhafan ee leh baytari yar oo koronto ah ayaa weli ah kuwa ugu badan suuqa Yurub, iyadoo ay sare u kaceen 20.8% tan iyo bilowgii sanadkan, halka baabuurta shidaalka keliya ku shaqeeya ay hoos u dhaceen 20.6% isla muddadaas.

Shirkadaha ku bahoobay Volkswagen ayaa weli ah astaanta ugu sareysa Yurub, iyadoo iibkoodu uu kordhay 2.9% bishii Abriil.

Hase yeeshee, baabuurta Shiinaha ayaa door weyn ka ciyaaray kororka baabuurta korontada iyo kuwa isku-dhafan, sida ay sheegtay JATO, iyagoo haysta 7.9% suuqa Yurub.

Noocyada baabuurta BYD, MG, Xpeng, iyo Leapmotor ayaa iibkoodu kordhay 59% sanadkan iyagoo ku jira baabuurta korontada iyo kuwa isku-dhafan, halka warshadaha kale ay guud ahaan kordheen 26%.

Khabiirka JATO, Felipe Munoz, ayaa sheegay in weli la sugayo haddii Midowga Yurub uu canshuur kusoo rogi doono baabuurta isku-dhafka ah ee Shiinaha sida uu horey uga yeelay kuwa korontada ku shaqeeya.