Diyaarad nooca xamuulka ah oo Ciidanka Turkigu leeyahay oo ku burburtay xadka Georgia-Azerbaijan

Illaa hadda lama shaacin tirada dadka saarnaa diyaaradda ama khasaaraha ka dhashay shilka.

By
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in howlgalka raadinta iyo samatabbixinta la bilaabay, iyadoo lala kaashanayo dowladaha Azerbaijan iyo Georgia.

Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradda xamuulka milateriga oo ah nooca C-130, oo ka soo duushay Azerbaijan kuna sii jeeday Turkiga, ay ku dhacday meel u dhow xadka Georgia iyo Azerbaijan.

Bayaan Talaadadii ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: “Diyaaradda xamuulka milateriga oo ah nooca C-130 oo ka soo duushay Azerbaijan kuna socotay dalkeenna ayaa ku dhacday xadka u dhexeeya Georgia iyo Azerbaijan.”

“Howlgallada raadinta iyo badbaadinta ayaa la bilaabay iyadoo lala kaashanayo mas'uuliyiinta Azerbaijan iyo Georgia,” ayay wasaaraddu sheegtay.

Ma jiro warbixin degdeg ah oo laga helay tirada dadka saarnaa ama macluumaad ku saabsan khasaaraha suurtagalka ah.

Baaritaan lagu ogaanayo sababta shilka ayaa socda.