Soomaaliya: Bangiga Dhexe oo ku dhawaaqay in Aqoonsiga Qaranka laga rabo macaamiisha

Kaarka Aqoonsiga ee ay soo saarto Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ayaa lagu xiray dhammaan macaamiisha doonaya in ay furtaan ama cusbooneysiiyaan koonto bangi laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa kamid ahaa dadkii ugu horreeyey ee loo diiwaangeliyo

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dhammaan macaamiisha doonaya in ay furtaan ama cusbooneysiistaan koonto bangi laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025, laga doonayo in ay keenaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay soo saarto Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA).

Go’aankan oo lagu wado in uu ka dhaqan galo gobolka Banaadir marka hore, ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda federaalka ee lagu xoojinayo hufnaanta nidaamka maaliyadeed, iyadoo la adeegsanayo habka casriga ah ee loo yaqaan eKYC (Electronic Know Your Customer).

Bangiga Dhexe ayaa sheegay in sharcigan uu si buuxda uga dhaqan galayo dhammaan bangiyada ka howlgala dalka.

Macaamiisha aan haysan aqoonsiga cusub ee NIRA looma oggolaan doono in ay furtaan koonto cusub ama cusbooneysiiyaan ta hore.

Aqoonsi Qaran markii ugu horreysay 30 sano kaddib

Go’aankan waxa uu daba socda qorshihii dowladda Soomaaliya ay ku soo rogtay Kaarka Aqoonsiga Qaranka, oo markii ugu horreysay la hirgeliyey bishii Sebteembar 2023, tan iyo markii ay dowladdii dhexe burburtay sanadkii 1991-kii.

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ahaa dadkii ugu horreeyey ee loo diiwaangeliyo, iyaga oo si rasmi ah u helay aqoonsigooda cusub.

Hay’adda NIRA ayaa sheegtay inay rajaynayso in ka hor dhammaadka sanadka 2026-ka ay aqoonsi siiso ugu yaraan 15 milyan oo qof oo Soomaali ah, kuwaas oo ay ku jiraan carruur.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in kaarka aqoonsiga uu yahay laf-dhabarta amniga qaranka, laguna xallin karo dhibaatooyin badan oo la xiriira falal amni darro iyo dambiyo maaliyadeed.

"Markii aan laheyn aqoonsi rasmi ah, waxa ay adkeyd in la garto cidda leh gaadiidka qarxaya, ama qofka fuliyey weerarka. Tani waa tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa amniga,” ayuu yiri madaxweynaha.

Adeegyada kale oo la xiri doona Aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kaarka aqoonsiga uu muhiim u yahay adeegyada kale ee dowladda sida waxbarashada, caafimaadka, doorashooyinka, maalgashiga iyo isu socodka muwaadiniinta.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u diyaarisay dhammaan shuruucda ilaalinta xogta dadweynaha, iyadoo hey’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay la faray in adeegyada ay bixiyaan ku xirmaan Aqoonsiga Qaranka.

Diiwaangelinta dadweynaha ee kaarka Aqoonsiga Qaranka ayaa hadda ka socota qeybo badan oo dalka ka mid ah oo ay ku jiraan Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, iyo SSC-Khaatumo, gaar ahaan magaalada Laascaanood.

Hay’adda NIRA ayaa sheegtay in dadku ka heli karaan kaarka aqoonsiga laamaha ay ku leedahay xarumaha NIRA iyo qaar kamid ah bangiyada dalka ee loo asteeyay hawshaasi.