DRC Kongo iyo M23 oo heshiis nabadeed oo 'taariikhi ah' ku saxiixday dalka Qatar
Qatar ayaa martigelisay wareegyo badan oo wadahadallo toos ah oo u dhexeeyay dowladda DRC iyo M23.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (DRC) iyo kooxda mucaaradka M23 ayaa saxeexay heshiis is-af-garad ah oo logu talagalay sidii loo joojin lahaa dagaalka.
Heshiiska waxaa Sabtidii xaflad ka dhacday caasimadda Qatar, Doha u kala saxeexay wakiillo ka socday labada dhinac.
Qatar, oo ay wehliyaan Mareykanka iyo Midowga Afrika, ayaa bilooyin wadahadallo is-dhaafsi ah ka waday si loo joojiyo colaadda bariga DRC oo hodan ku ah macdanta, halkaas oo M23 ay qabsatay magaalooyin muhiim ah.
M23 oo taageero ka helaysay Rwanda, ayaa Janaayo qabsatay Goma, oo ah magaalada ugu weyn bariga DRC, waxayna sii waday inay guulo ka gaarto gobollada Waqooyiga Kivu iyo Koonfurta Kivu.
Tan iyo markii ay dib u qaadatay hubka dhamaadkii 2021, kooxdu waxay la wareegtay deegaanno baaxad leh oo ka tirsan bariga DRC iyada oo kaashanaysa Rwanda, taasoo dhalisay xaalad bani'aadanimo oo sii xumaanaysa.
Rwanda ayaa beenisay inay taageero siisay M23.
Munaasabadda oo uu ka hadlay madaxa wadaxaajoodka ee Qatar, Mohammed Al-Khulaifi, wuxuu heshiiska ku tilmaamay mid 'taariikhi ah', isagoo intaa ku daray in dhexdhexaadiyeyaashu ay sii wadi doonaan dadaallada lagu gaarayo nabad si dhab ah uga hirgasha dhulka colaaddu saameysay.
Kumanaan ayaa ku dhintay duullaan ay M23 qaaday Janaayo iyo Febraayo, kaasoo kooxda ay ku qabsatay caasimadaha muhiimka ah ee labada gobol, Goma iyo Bukavu.
Heshiiska la saxeexay bisha Luulyo ee Doha waxa uu xigay heshiis nabadeed oo hore oo gooni ah oo ay bishii Juun dawladdaha DRC iyo Rwanda ku saxiixeen Washington.
Qatar waxay martigelisay wareegyo badan oo wadahadal toos ah oo u dhexeeya dawladda DRC iyo M23 tan iyo Abriil, balse wadahadalladu inta badan waxay ku saabsanaayeen shuruudihii horay loo sii dejiyey iyo tallaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida.
Bishii Oktoobar waxay gaareen heshiis ku saabsan kormeerka joojinta hubka ee la filayo.