Wasiirka Caafimaadka XFS oo amray baaritaan degdeg ah oo ku saabsan dhacdadii Isbitaal Banaadir
Wasaaraddu waxay dhacdadan ku tilmaantay mid murugo leh oo ka hor imaanaysa mas’uuliyadda adeegyada caafimaadka ee lagu daryeelo hooyooyinka iyo dhallaanka.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya ayaa bilawday baaritaan degdeg ah kadib markii muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada uu muujiyay hooyo Soomaaliyeed oo ku foolaneysa afaafka Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, iyadoo aan helin gargaar caafimaad.
Wasaaraddu waxay dhacdadan ku tilmaantay mid murugo leh oo ka hor imaanaysa mas’uuliyadda adeegyada caafimaadka ee lagu daryeelo hooyooyinka iyo dhallaanka.
Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah loo baaro dhacdada, isagoo ku adkeeyay in la xaqiijiyo badbaadada hooyada iyo ilmaha. Wuxuu faray in dib loo eego muuqaalada kaamirooyinka CCTV-da isbitaalka iyo in warbixin dhamaystiran laga soo ururiyo maamulka isbitaalka.
Dr. Cali ayaa maanta kormeer ku tegay Isbitaalka Banaadir si uu ugu kuurgalo arrinta, halkaas oo uu warbixino ka dhagaystay maamulka, dhakhaatiirta, iyo shaqaalaha ku sugnaa xilligii ay dhacdadu dhacday, 26-kii Oktoobar 2025.
Intii uu booqashada ku jiray, wasiirka ayaa dib u eegay diiwaannada bukaanada iyo muuqaallada CCTV-da, isagoo sheegay in dhacdadan “aan la aqbali karin.”
Wuxuu ballan qaaday in tallaabo sharci iyo mid maamul oo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo dayacaad ama ku tagri-fal waajibkii shaqo marka baaritaanka la soo gabagabeeyo.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada u xaqiijisay in baaritaanka uu noqon doono mid madax-bannaan oo hufan, iyadoo mar kale carrabka ku adkaysay in mudnaanta koowaad la siinayo ilaalinta nolosha iyo badbaadada hooyooyinka iyo dhallaanka Soomaaliyeed.