Ku dhawaad 2,000 rayid ah oo ku barakacay gobolka Waqooyiga Kordofan ee Suudaan: IOM

Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in barakicinta cusub ay timid iyadoo weerarro ay wadaan ciidamada RSF ay weli ka socdaan gobolka.

By
IOM ayaa sheegtay in barakicinta cusub ay timid iyadoo weerarro ay wadeen maleeshiyaadka RSF ay weli ka socdaan gobolka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 2,000 qof oo rayid ah ay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka barakaceen magaalada Bara iyo tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Waqooyiga Kordofan ee Suudaan, sababo la xiriira xaaladda amni darro oo sii xumaanaysa.

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee QM ayaa war-saxaafadeed ay Axaddii soo saartay ku sheegtay in xogta ay ururisay Displacement Tracking Matrix (DTM) ay muujisay in barakicintan cusub ay dhacday inta u dhaxaysay 7–9 Nofembar, kadib weerarro ay fuliyeen maleeshiyaadka RSF.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in barakicintan ugu dambeysay ay daba socoto weerarro taxane ah oo ka dhacay magaalooyinka Bara, Sheikan, Rahad, Umm Rawaba, iyo Umm Damm Haj Ahmed, kuwaas oo sababay in qiyaastii 38,990 qof ay ka cararaan guryahooda tan iyo 26-kii Oktoobar.

Tan iyo 15-kii Abriil 2023, ciidamada dowladda Suudaan iyo maleeshiyaadka RSF ayaa ku jiray dagaal aan weli xal loo helin, inkastoo dadaallo dhexdhexaadin ah oo caalami iyo kuwo goboleedba la sameeyay. Colaaddaas ayaa waxaa ku naf waayey kumannaan qof, iyadoo malaayiin kalena lagu barakiciyay.