Madaxweynaha DRC oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya
Munaasabaddan oo ka dhacday Cité de l’Union africaine ee magaalada Kinshasa, ayaa astaan u ah horumar cusub oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, oo labaduba xubno ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), Félix Antoine Tshisekedi Tshilombo, ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga uga guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya DRC, Ilyas Cali Xasan.
Munaasabaddan oo ka dhacday Cité de l’Union africaine ee magaalada Kinshasa, ayaa astaan u ah horumar cusub oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, oo labaduba xubno ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Intii ay munaasabaddu socotay, Danjire Ilyaas, oo fadhigiisu yahay Dar-es-Salaam, Tansaaniya, ayaa ka mahadceliyay taageerada joogtada ah ee la siiyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan kana shaqeysa DRC.
Wuxuu xaqiijiyay sida ay uga go'an tahay horumarinta xiriirka labada dal ee dhinacyada ay iska kaashanayaan, taasoo muujineysa aragti wadaag ah oo ku saleysan iskaashi qoto dheer, isdhexgal goboleed, iyo horumar waara.
Qodobka ugu muhiimsan ee xiriirkan cusub ayaa ah xoojinta iskaashiga dhaqaale
Safiir Ilyaas wuxuu si rasmi ah u soo jeediyay in la aasaaso Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Congo si loo abuuro hannaan lagu xoojinayo fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee labada dal. Safiirka ayaa xusay in ganacsatada Soomaaliyeed ay wax badan ka qabteen gobolka EAC, gaar ahaan Kenya iyo Tansaaniya, ayna diyaar u yihiin inay maalgashadaan dhaqaalaha sii kordhaya ee DRC.
Si taas loo fududeeyo, Danjire Ilyaas wuxuu sidoo kale ka hadlay sidii loo fududeyn lahaa shatiyada ganacsiga iyo habraacyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Marka laga soo tago arrimaha dhaqaalaha, Safiirku wuxuu hoosta ka xarriiqay mowqifyada isku midka ah ee labada dal ay ka leeyihiin fagaarayaasha caalamka.
Wuxuu DRC ugu hambalyeeyay doorashadii dhawaan loogu doortay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna xusay in tani ay abuurayso isku xirnaan xooggan, maadaama ay la jaanqaadayso xubinimada Soomaaliya ee isla golahaas.
Ugu dambayn, isagoo ku hadlaya magaca Soomaaliya, Danjire Ilyaas wuxuu muujiyay taageerada xooggan ee Soomaaliya ay u hayso midnimada dhuleed ee DRC iyo geeddi-socodka nabadeed ee ka socda Washington iyo Doha.