Maalmo aan dhammaan: Hooyo ku sugan Qaza oo u harjadeysa sidii ay ugu dhex noolaan lahayd burburka
Qaybta koowaad ee taxane afar qaybood ah oo lagu xusayo sannad-guuradii labaad ee dagaalka Qaza, TRT World ayaa soo bandhigaysa sheekada hooyo Falastiiniyad ah oo afar carruur leh, oo nolol maalmeedkeeda wadata iyadoo ku dhex nooshahay xasuuq.
Maanta Qaza waa qubuuro. Waa dhul burburay oo ay ku aasan yihiin kumannaan qof iyo malaayiin rajo iyo riyooyin ah, kuwaas oo ku hoos jira magaalo mar ahaan jirtay mid cammiran, balse hadda ku burburtay dagaalka ba’an ee Israa’iil.
Laba sano kadib dagaalkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 67,000 oo qof, oo intooda badani yihiin dumar iyo carruur, TRT World waxay soo bandhigaysaa sheekooyinka afar Falastiiniyiin ah, oo ku saabsan halgan iyo badbaado, dhimasho iyo burbur, balse ugu dambeyn ah adkaysi iyo iska caabin.
Tani waa sheekada Ghadeer Al Habbash, oo 37 jir ah. Waa hooyo afar carruur ah leh oo saygeedii ka dhintay, kana mid ah kumannaan haween Falastiiniyiin ah oo nolosha ku dhex maareynaya rasaas iyo qaraxyo.
Ghadeer waxay isu taqaannaa “xaaska shahiidka”.
Saygeedii, Raaed Al Habbash, oo ahaa qofka keliya ee qoyska u soo shaqeeya, waxaa bishii Febraayo ee sanadkan 2025 toogtay shiishyahan Israa’iili ah, taasoo ku qasabtay inay kaligeed tunka u ridato mas’uuliyadda qoyskeeda.
Gurigoodii ku yaallay Khan Younis ayaa horey loogu burburiyay duqeyn ay fulisay Israa’iil, taasoo ku qasabtay inay hadba meel u guuraan iyagoo raadinaya goob ammaan ah iyo hoy.
“Maalin maalmaha ka mid ah ayuu ninkaygu u noqday gurigeennii burburay si uu inoogu soo qaado dhar iyo cunto ku hoos jirtay burburka… wuxuu soo qaaday bac bur ah iyo dhar, balse intuu u soo socday teendhada, ayaa shiishyahan Israa’iili ahi uu madaxa ka toogtay,” ayay u sheegtay TRT World, iyadoo ku sugan teendhada ku taal Khan Younis oo ay ku nooshahay dhowrkan bilood.
“Wuxuu ku dhintay isla afaafka gurigii mar ahaan jiray hoygeena.”
Tan iyo markaas, nolosha Ghadeer waxay noqotay halgan joogto ah – sidii ay u cunto ugu heli lahayd afarteeda cunug oo kan ugu yar uu yahay afar sano jir.
Markii Israa’iil ay xannibtay gaarsiinta gargaarka oo macaluul baahsani ku habsatay Qaza, cuntadii waxay ku koobantay xoogaa yaroo rooti iyo shurbad misir ah. Khudaartii iyo mirihii waxay noqdeen wax qaali ah oo aan la heli karin. Biyaha nadiifka ahi waa ay yar yihiin, helitaanka fayadhowrkuna gabaabsi ayuu noqday.
Iyadoo aysan jirin il dhaqaale oo joogto ah, qoyska wuxuu ku nool yahay deeq lacageed oo aan ka badnayn $300 oo doollar bishii.
Harjadka noloshu wuxuu bilowdaa oogga hore: subaxnimada
Subax kasta, Ghadeer waxay xirataa mid ka mid ah labada cabaayadood ee keligood dhar uga haray, waxayna madaxa ku duubataa xijaab xiddigo leh, ka hor inta aysan boorka ka jafin teendhada ay la wadaagto dadka kale.
Hoygu waa ciriiri, waa teendho kuleylka celisa maalintii, balse aan diirimaad lahayn habeenkii, halka joodariyaasha khafiifka ahi ay u adeegsadaan sariir iyo kursi labadaba.
“Ma jiro wax asturnaan ah,” ayay tiri. “Xitaa ma ilaalin karno jirkeena, ma difaaci karno sharafteenna, waxba. Teendhadan nolol uma qalanto. Marka xilli qaboobaha jiilaalka ah la gaaro, roobka ayaa soo geli doona oo qabow nagu dili doonaa.”
Gabadheeda ayey timaha u shanlaysaa ka hor inta aysan u bixin suuq yar oo ku-meelgaar ah oo teendhada gadaasheeda ku yaal, halkaas oo alaabaha yar yar oo qaali ah lagu iibiyo.
“Maanta waxaan u baxay inaan wax yar u soo iibsado carruurta,” ayay tiri. “Waxyaabihii hore u ahaa 10 ama 15 shekel hadda waxay noqdeen 50 shekel. Ma garanayo sida aan ku heli doono 50 shekel. Lacag ma haysto.” (1 USD wuxuu u dhigmaa qiyaastii 3.30 shekel).
Kulaylka xagaagu waa mid aan loo adkaysan karin, habeenkiina nasasho ma jirto. “Waxaan ku dhimanaynaa kulaylka maalintii,” ayay tiri Ghadeer. “Habeenkiina ma seexan karno. Eeyda ciyaysa, duqsiga, iyo kulaylka xad-dhaafka ah awgood.”
Duhurnimada: Kuleyl, gaajo iyo nolol burburtay
Markii duhurka la gaaro, teendhadu waxay isu noqotaa meel lagu gubto. Gudaha teendhada duugoowday, Ghadeer waxay ku diyaarinaysaa cuntada kaliya ee qoyskeedu cunayo maalintaas — shurbad misir ah oo yar oo ay ku karinayso dab laga shido qoryo jajaban iyo wixii kale oo ay hesho.
Cuntada ugu muhiimsan ee maalinkaas waxay ka timaadaa xarunta cunto karinta samafalka bulshada ee ugu dhow, balse tan iyo markii Israa’iil ay jartay gargaarkii, ma shaqeyso maalmaha aysan oollin wax la kariyo. Maantana waa mid ka mid ah maalmahaas.
Ghadeer iyadoo si tartiib ah u walaaqeysa shurbadda misirta, waxay nafteeda iyo carruurtaba xasuusisaa in “tani waa cuntada kaliya ee maanta oo dhan.” Balse weli waxaa ka harsan dhowr saacadood waqtiga la cuni lahaa.
“Quraac lama cuno, qadona ha sheegin. Kaliya waa middan (oo fiidkii la cuno)… marmarna jab rooti ah ka hor inta aysan seexan habeenkii,” ayay tiri. Carruurta nasiib ayey leeyihiin haddii ay helaan hal buskud ah ama jab rooti ah maalintii oo dhan.
Qoyska wuxuu u hiloobay baradho, hilib iyo shaah sonkor leh. Balse dhammaantood waa wax aan la heli karin.
“Kiilada hilib ah hadda waa 70 shekel, xitaa baradhadu aad bay qaali u tahay,” ayay tiri.
Gabadhdeeda ugu yar, Sucaad, oo afar jir ah, dhowr maalmood ayey xanuunsanayd .
“Ma awoodo inaan u soo iibiyo daawo,” ayay tiri Ghadeer iyadoo eegaysa gabadha oo ku duuduuban joodari khafiif ah. “Haddii aabbahood noolaan lahaa, wuu daryeeli lahaa. Balse hadda... ma aqaan waxaan sameeyo.”
Laba maalmood ka hor, madaafiic ayaa ku dhacday meel u dhow teendhada. Firir ka soo dillaacay ayaa ka soo dhex baxay gidaarka, kuna dhacay meel u dhow halka ay carruurtu seexdaan. “Ilaahay keliya ayaa badbaadiyay,” ayay tiri.
Wiilkeeda ugu weyn, oo 14 jir, wuxuu qaaday masuuliyad aad uga tanweyn da’diisa.
“Marar badan ayuu duceystaa isagoo leh, ‘Ilaahoow, i gee aabbahay agtiisa, meel nabad ah i gee.’ Ilmaha waa inuu yeeshaa riyooyin iyo himilo, balse isagu wuxuu rabaa oo keliya inuu ka baxsado noloshan.”
Jiilaal ayaa soo dhow, qoyska ayaana ka cabsi qaba waxa dhici doona. “Waxaan sugeynaa naxariista Ilaahay… laga yaabee inuu qof na caawiyo, laga yaabee inuu qof daryeelo carruurtaan,” ayay tiri Ghadeer.
Fiidkii: Hal cunto, iyo duco badan
Markii carrigu mugdo uu noqdo, Ghadeer waxay xeeradii shurbadda misirta oo kulul dhigtaa bartamaha gogosha khafiifka ah.
Carruurta ayaa iyagoo aamusan soo hareer fariista xeerada, wejiyadoodana waxaa ka muuqda boor iyo kulayl. Gabadheeda ayaa xoqaysa finanka gacmaheeda ka soo baxay, iyadoo cod hoose ku leh: “Hooyo, way i xanuunayaan.”
Ghadeer waxay milicsataa iyadoo aan waxba u qaban karin. “Waxaan tagnaa xarumaha caafimaadka, balse waxay noo sheegaan inaan daawada iibsanno. Balse xaggee? Xaggeen ka keenaa lacag?”
Rootiga ayey jarjartaa, waxayna ku dhex riddaa shurbaddii khafiifka ahayd.
“Cuna, carruurtayda qaaliga ahoow,” ayay si deggan u tiraahdaa. “Intaan ayeynu heli karnaa.”
Qaaddooyinka ayaa xoqa gunta xeerada. cidna ma hadasho.
“Alxamdulillaah,” ayay Ghadeer u tiri si hoose. “Maalin kasta sidaa ayaan dhahnaa. Waxaan dhahnaa waan samirnaa. Balse mararka qaar…” ayay tiri iyadoo hakatay. “Mararka qaar waxaan dhahnaa, ‘Ilaahoow, na oofso. Dhimashadaa noo dhaanta noloshan.’”
Waxay fiirisay xeerada oo waxyari ku hareen.
“Carruurtu waxay qorraxda taagnaadaan saacado si ay cunto uga soo helaan xarunta cunto karinta ee samafalka bulshada. Haddii aysan cunto oollin?” ayay raacisay iyadoo garabka nuuxinaysa. “Way gaajoodaan.”
Waxay sheegtay inay biyo carruurta u soo hesho, ay sidoo kale ah tahay halgan dagaal kale ah.
“Ma aragtay safka maanta?” ayay tiri. “Dadka waxay isku dagaallayaan wax walba. Rooti, biyo, qoryaha dabka lagu shidto. Rag baa soo riixaya, dumarkuna markooda ayey riixayaan. Ma aha in haweeney ay dhex gasho dad is cariirinaya si ay biyo u hesho. Balse waa tan dagaalku na baday.”
Waxay gabalkii ugu dambeeyey ku tirtirtay haraagii shurbadda.
“Ilaahoow, naga dul qaad,” ayay si hoose u tiru. “Qof dunida saarani ma dareemi karo waxa aan soo marayno. Waan daalnay, si dhab ah ayaan u daalnay.”
Balse markii carruurtu dhammaystaan cuntadii yareyd, waxay haddana hoos u dhahdaa:
“Alxamdulillaah,” ayay tiri. “Alxamdulillaah, maalin kale ayaan badbaadnay.”
Habeenkii: Shaah lagu cabbo iftiinka dabka
Markuu habeenku soo dhaco, xeryaha waxay la galaan mugdi buuxa. Ma jiro koronto, ma jiraan nalal — kaliya dab yar oo ololkiisu daciif yahay ayaa ka baxaya geeska teendhada, lagu shiday qoryo jajaban iyo wax kasta oo ay siiyeen maalintii.
Ghadeer waxay ku janjeertaa agtiisa, iyadoo walaaqaysa digsiga shaaha, carruurtuna ay caleenta shaaha ku burburinayaan biyaha karkaraya.
“Qoryuhu aad bay qaali u yihiin,” ayay si hoose u tiri. “Waxaan raadinnaa wax kasta oo dadku tuuraan, wax kasta oo aan gubi karno, si carruurtu ugu cabaan shaah ka hor inta aysan seexan.”
Iftiinka dabka ayaa wejiyadooda ku dhacaya, hadh iyo iftiin isku dhex jira, iyagoo koobabka si taxaddar leh isu gudbinaya, uumina uu cirka u kacayo habeen madow.
“Waxay la mid tahay waagii hore,” ayay tiri Ghadeer. “Kahor teendhooyinkan, kahor duqeymaha… shaahda habeenkii waxay la macno ahayd nabad, waxay la macno ahayd qoys. Hadda waxay keliya la macno tahay inaanan seexan calool madhan — in yar oo ay dareemaan buuxsanaan.”
Carruurtu si tartiib ah ayay u cabbayaan. Mid baa hooyadii garabka u janjeera, isagoo weydiinaya:
“Hooyo, berri ma ka fiicannaan doontaa?”
Waxay ku fiiqdaa indhaha ololka dabka. “Malaha,” ayay si hoose ugu jawaabtaa.
Markii maalintu dhammaato, dabkii wuu daciifaa oo dambas ayuu isu beddelaa. Koobabkii iyo digsiyadii waa madhan yihiin, mugdiguna wuu soo degaa.
“Tani waa nolosheena hadda,” ayay tiri Ghadeer.
“Qofna naguma arko, qofna naguma maqlo. Ilaahay keliya.”