Saraakiisha Turkiga iyo Xamaas oo ku kulmay Istanbul kana wadahadlay qorshaha xabbad-joojinta Qaza
Labada dhinac waxay ka wadahadleen tallaabooyinka lagu xaqiijinayo in xabbad-joojinta Qaza ay sii socoto, hababka lagu xallinayo caqabadaha jira, iyo dadaallada lagu kordhinayo gargaarka bani’aadantinimo ee loo dirayo marinka go’doonsan.
Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT), Ibrahim Kalin, ayaa magaalada Istanbul kula kulmay wafdi ka socda ururka Xamaas oo uu hoggaaminayo Khalil al Hayya, oo ah madaxa guddiga wadaxaajoodka ee Xafiiska Siyaasadda Xamaas. Kulankan ayaa looga hadlay sidii loo fulin lahaa wejiyada xiga ee qorshaha xabbad-joojinta Qaza.
Kulanka oo dhacay Arbacadii, wafdiga Xamaas ayaa uga mahadceliyay Turkiga, gaar ahaan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, dadaallada dhexdhexaadinta ee Ankara iyo doorkeeda dammaanad-qaadka ah ee ku saabsan xaqiijinta iyo kormeerka heshiiska xabbad-joojinta Qaza, sida laga soo xigtay ilo amni.
Xamaas waxay xaqiijisay ballanqaadkeeda ku aaddan xabbad-joojinta, inkastoo ay ku eedaysay Israa’iil inay si joogto ah u jebisay heshiiska muddadii xabbad-joojinta lagu jiray.
Labada dhinac waxay ka wada hadleen tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo hubiyo in geeddi-socodka xabbad-joojinta uu si habsami leh u socdo, waxayna falanqeeyeen hababka lagu xallin karo caqabadaha jira.
Sidoo kale, waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan hirgelinta wejiyada xiga ee qorshaha xabbad-joojinta. Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray gargaarka bani’aadanimo ee Turkigu sii wado inuu u fidiyo Qaza iyo dadaallada lagu yareynayo dhibaatada bani’aadanimo ee ka jirta halkaas.
Kalin ayaa wafdiga uga warbixiyay isku-duwidda ay Turkiga la sameyneyso hay’adaha caalamiga ah si loo fududeeyo gaarsiinta gargaarka dheeraadka ah ee loo diro Qaza.